4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 11, 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Isniin, Maarso, 11, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowladda Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen Shabeellaha Hoose ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana lagu dilay sadax ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

"Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay gobolka Shabeellada Hoose, howlgalka waxaa lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah, waxaana goobta lagu burburiyay dhagartii ay maleegayeen" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Si kastaba ha ahaatee qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya laguma shaacin deegaanka uu sida gaarka ah uga dhacay howlgalka lagu dilay sadaxda xubnood ee ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa maalmahii ugu dambeeyay kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.