4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Howlgal ka dhacay Muqdisho oo lagu soo qabtay 140 xabo oo hoobiyaal ah
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay tiradii ugu badneyd oo isugu jira hoobiyaal iyo hub kale oo kooxda Al-shabaab ku qarsatay dhulka hoostiisa.

Howlgalka lagu soo qabtay hoobiyaasha ayaa yimid kadib markii Xalay saqdii dhexe ilaa afar hoobiye lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Boondheere iyo Cabdicasiis.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan Booliiska sameeyeen lagu soo qabtay ilaa 140 xabo oo ah madaxyada hoobiyaasha loo adeegsado iyo agab kale oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

"Ciidanka waxa uu gacanta kusoo dhigay hoobiyaashaan aad u jeedaan oo godad ay ku qarsadeen kooxda Shabaab oo dooneysay iney ka sameeyaan qaraxyo oo ay ku daadiyaan dhiiga dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble.

Soo qabashada hoobiyaasha iyo hubka kale ee Al-shabaab ku qarsadeen dhulka hoostiisa ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo marar badan kooxda  madaafiic sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur guryo dad shacab ah dagan yihiin ku garaacday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in Booliiska kala shaqeeyaan sugida iyo xaqiijinta amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.