4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirada
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne oo uu maanta soo saaray golihiisa wasiirada ku sameeyay xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Saleebaan Cawad Cali Bukhaari, xilka qaadista wasiirka ayaa timid iyada oo aan wali la horgayn golaha wakiilada, si loo ansixiyo, kadib markii dhawaan la magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Raabbi Cabdi Maxamed u magacaabay in uu maanta laga bilaabo noqdo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland sidookale, Maxamuud Warsame Jaamac ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax u magacaavay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, halka uu Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland.

Ugu danbayn, madaxweynaha  aya Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.