4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Kismaayo: Nin hooyadiis dilay oo maanta xukun qisaas ah lagu fuliyay

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu toogtay nin dhalinyaro ah oo sanadkii lasoo dhaafay ku dilay gudaha magaalada Kismaayo hooyadii isaga dhashay.

Maxkamadda Darajada koowaad ee magaalada Kismaayo ayaa xukunkaan dilka ah ku fulisay ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaasoo dilka hooyadiis si bareer ah ugu adeegsaday toorey, kadib muran la sheegay inuu soo kala dhax galay isaga iyo hooyadiis.

Ninkaan ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee Kismaayo ay sheegtay inuu qirtay dilka uu u geystay hooyadiis, waxaana lagu dilay goob fagaare ah oo ay usoo daawasho tageen qeybaha kala duwan ee reer Kismaayo.

Maxkamadda ayaa horey ninkan ugu riday xukunka dilka toogashada oo ah qisaasta hooyadiis uu horey u dilay, iyadoo maanta ugu dambeyn ay Maxkamaddu fulisay xukunka toogashada ah.

Si kastaba ha ahaatee ninkaan dilay hooyadiis ayaa ka mid ahaa dhallinyarada qurbaha kusoo koray, islamarkaana dalka loo keenay dhaqan celin ahaan waxaa la sheegay inuu dhib u arkay wanaagga hooyadiis la rabtay, isagoona hooyadiis u dilay si naxariis daro ah.

Waxaa xusid mudan in dilka maanta lagu fuliyay ninkaan ay si weyn usoo dhaweeyeen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo horay uga argagaxay dilkii uu ninkaan u geystay hooyadiis.