4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Shan sano oo xabsi ah oo lagu xukumay nin lagu tashkiiliyay kooxda Alshabaab
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah ku ridday eedaysane lagu magacaabo Axmed Barre Maxamuud Guuleed oo loo soo xiray kamid ahaanshihiisa kooxda Alshabaab.

Sida xeer ilaalintu sheegtay, ninkaan ayaa bishii November ee sanadkii tagay lagasoo qabtay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, isagoo doonayay inuu aado magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Xogtiisa waxaa lagu sheegay inuu ka yimid oo uu kasoo jeeda degaanka Gar-adag ee gobolka Sanaag ee Somaliland. Waxaa la sheegay isagoo ku sugan degaankiisa in lagu qanciyay inuu biiro kooxda Alshabaab.

Xeer ilaalinta waxay sheegeen in lagu tashkiiliyay inuu ku biiro Alshabaaab, loona ballanqaaday mushaar dhan bishii $1,200.

Lama sheegin dambiyo ninkaan lagusoo oogay, oo aan ka ahayn inuu Shabaab ku biiray.

Dhowr qof oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa Shabaab ku biiray, waxaana ugu dambeeyay Abwaan Nageeye Cali Khaliif.

Waxaa jira Abwaano kale oo weli lala yahay oo lagu tuhmayo inay Alshabaab ku biireen, lamase xaqiijin.