4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 10, 2024
Wasiir Fiqi: Calanka Soomaaliya waxaa la gayn doonaa magaalada Hargeysa
 

Axad, Maarso, 10, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjari doonto wuxu ugu yeeray ruwaayadda 30 sano jirsatay ee gooni isku taagga Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya ee hadda inay ka go’an tahay in lasoo celiyo midnimada Soomaaliya, Somaliland,na ay qeyb ka noqoto dowladnimada Soomaaliyeed.

Axmed Macalin Fiqi oo xalay ka hadlayay madal lagu taageerayay qoraa' dhallinyaro oo ah ka yimid magaalada Hargeysa, oo lagu magacaabo Maxamed Haldoor, ayaa madashaas ka sheegay in calanka Soomaaliyeed la gayn doono magaalada Hargeysa.

“Waxaan arkayay Maxamed oo calankii Soomaaliyeed oo dusha laga saaaray oo xooggaa yar yax yaxaya. Haka yax yaxin, intaad caafimaad ku maqan tahay, ayaa calanka Hargeysaa la gaynayaa. cid ku taabanaysa ma jirto.” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa kamid ahaa wafdigii Soomaaliya uga qeyb galay wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti. Wuxuu sidoo kale kamid yahay dadka sida adag ugasoo horjeeda gooni isku taagga Somaliland.