4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Faysal Cali Waraabe: Waxan la yaabanahay nimanka dhulkoodii aan xukumin ee Berbera inagu haysta
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in Itoobiya ay istimaasho Badda Cas, isla markaana ay xaq u leedahay in ay saldhig ku yeelato.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya anay xukumin qaybo badan oo Soomaaliya kamid ah, isla markaana anay suuragal ahayn in ay Berbera ka taliso.

"Waxan la yaabayaa nimanka Xamar jooga, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, ee goofkiisii aan xukumin ee Berbera inagu haysta, ee dhulkiisii aan xukumin, heshiiskani waa heshiis danteena ah, wax la iibiyay ma jirtee" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Faysal waxa uu sheegay in khuburo Ingiriis ahi ay heshiiska u kala qorayso Somaliland iyo Itoobiya, waxa uuna sheegay in ay yihiin khuburo ku takhasusutay arrimaha sharciyada badaha.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay isticmaasho Bada Cas oo ay alaabooyinku usoo maraan, sidaa darteedna ay xaq u leedahay in ay saldhig ciidan ku yeelato badda.

"Heshiis wanaagsan ayaynu galaynaa, oo shilinta laga dhilay, markaa waa khadar Alle inoo keenaye haynagaga dhawaaqina, nin ka dhimanaya noloshiinu yaanu idiin warramin" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaantay mid khatar ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyada oo sheegtay in anay aqbali doonin.