4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad ah oo u dhalatay dalkaas in Xalay muwaadin Soomaaliyeed ay ku dileen deegaanka Belville oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Cape town.

Muwaadinka la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay gaari Taxi Uber ah ayaa lagu magacaabi jiray Mohamed Deeq Cabdirashid, Maxamed Awoowe, waxaana dilka marxuumka la sheegay in dableyda ay u adeegsadeen Tooreey, xili ay ka dhacayeen gaariga uu watay.

Soomaalida ku nool deegaanada Belville oo dadaalo badan sameeyay ayaa suurtagaliyay in ciidanka Booliiska dalkaas ay gacanta kusoo dhigaan burcada ka dambeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

War kooban oo kasoo baxay Booliiska dalkaas ayaa lagu sheegay in burcada ay haatan ku jiraan gacanta Booliiska, islamarkaana la horgeyn doono maxkamada.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka dhex shaqeysta dalkaas.