4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo shaacisay qiimaha lagu soo xajin doono sanadkaan
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qiimaha sanadkaan 2024-ka ay kusoo xajin doonaan Xujeeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda  ayaa sheegtay in guddi khuburo  gudaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ay u xilsaartay soo qiimeynta qidmada ku baxeysa Xujeyda mudo laba bilood ah kadib la isla meel dhigay in shirkaduhu sanadkaan ka qaadaan Xujeyda Soomaaliyeed lacag dhan 4,434 doolar.

“Guddiga markii uu isu geeyay kharashaadka Adeegga Xajka ee Gudaha Sacuudiga iyo gudaha Dalkeenna kaddib markii la sameeyay daraasad qaadatay muddo labo bilood ah  waxa uu soo saaray qiimaha sanadkaan lagu xajinayo oo ah $4,434.648 Senti” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Qiimahaan lacageed oo ay shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa ah mid wax yar ka hooseeya qiimahii xajka ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan inuu qiimahaan yahay mid wali si aad ah uga sareeya qiimaha looga soo xajiyo wadamada geeska afrika, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.