4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ajinabi ah oo ka tirsan Daacish
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Taliska qeybta ciidanka Booliiska maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen laba horjooge oo ka tirsan Ururka Daacish.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in horjoogayaashan lagu qabtay howlgal ka dhacay deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ufeyn ee gobolka Bari.

Labada horjooge ee la qabtay oo ah ajinabi ayaa lagu kala magacaaba Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

"6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl galo laga fuliyey gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qeybta Booliiska gobolka Bari.

Qabashada labadaan horjooge ee ka tirsan Daacish ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada amaanka maamulka Puntland ay dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari kula dagaalamaan inta badan xubno ka kala tirsan kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.