4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 9 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay waxa ka jira iney hawada ka celisay diyaarad Caafimaad oo Hargeysa u socotay
 

Jimco, February, 9, 2024 (HOL) - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hadashay war si weyn loogu faafiyay saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada oo la xariiray in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad ku socotay magaalada Hargeysa oo la sheegay iney aheyd nooca gargaarka caafimaadka ah ee Air Ambulance.

Warkaan ku faafay baraha bulshada ayaa ahaa mid uu soo qoray ganacsade kasoo jeeda Somaliland oo lagu magacaabo Ismaciil Axmed, kaasoo sheegay in dowladda Soomaaliya hawada ka celisay diyaarad qaadi laheyd walaalkiis oo Hargeysa ku xanuunsan.

"Dawladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalkay oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo. Diyaaraddan yar ee ambalaaska ah oo hore u iman jirtay Hargeysa, ayaa si badheedh ah  hay’addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu baahday.  Imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo" ayuu yiri Ganacsade Ismaciil Axmed.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka jawaabeysa eedeynta culus ee kasoo yeertay ganacsadahaas ayaa meesha ka saartay jiritaanka la xariira eedeymahiisa, waxaana qoraal kasoo baxay hay'adda ku shaacisay ineysan jirin diyaarad gargaar caafimaad ah oo codsi u soo dirsatay, si ay uga degto garoomada dalka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah usoo dirtay si ay uga degto garoommada dalka. Sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya.

Eedeynta loo jeediyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegneysa, iyadoo bishii lasoo dhaafay hay'adda ay hawada dalka ka celisay laba diyaaradood oo aan wadan wax fasax ah, kuwaas oo doonayay iney ka dagaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.