4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2024
Mareykanka oo ka hadlay wararka sheegaya inuu duqeyn ku dilay dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba
 

Talaado, February, 20, 2024 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa qiimeynaysa in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab oo ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay labo dhaqtar oo Cuba u dhashay, sida ay sheegtay kooxda Alshabaab.

Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Khamiistii meel ku dhow degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika.

War qoraal ah oo ay faafisay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku ka fuliyeen guri ku yaalla magaalada Jilib ay ku dileen dhakhaatiir u dhashay Cuba oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay qirato inay gacanta ku hayaan labadan qof ee Cuba u dhashay kaddib markii ay kasoo afduubteen Waqooyi-bari Kenya ku dhawaad shan sano ka hor.

Afhayeen u hadashay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegtay inay ka war hayaan wararka sheegaya in laba qof oo rayid ah lagu dilay duqeymahaasi.

"Talisku wuxuu sii wadi doonaa inuu qiimeeyo natiijooyinka hawlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah sida la heli karo," ayay Lennea Montandon ku tidhi hadal ay soo saartay.

Sarkaal ka tirsan taliska difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeynta, balse ay sii wadi doonaan baaritaanka eedeymahan, isagoo sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan dhammaan sheegashadaas.

Labadan dhakhtar ayaa Al-Shabaab waxay ku qafaasheen gudaha Kenya bishii Abriil 2019, kaddib weerar bahalnimo ah oo ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya.

Askari booliis ah oo la socday dhakhaatiirta ayaa ku dhintay weerarka. Dhakhaatiirtan ayaa la sheegay in ay wateen gaari ay leedahay dowladda Kenya, xilli ay ku sii jeedeen isbitaalka ay ka shaqeynayeen markii la qafaashay.

Assel Herrera Correa, ayaa ahaa dhaqtar ku takhasusay caafimaadka guud, halka Landy Rodriguez Hernandez, uu ahaa dhakhtar qalliin.

Kuuba iyo Kenya waxay heshiis ku gaadheen inay dhakhaatiir ka soo diraan Cuba si ay uga caawiyaan yaraanta xirfadlayaasha caafimaadka ee Kenya iyo inay gacan ka geystaan hirgelinta caymiska daryeelka caafimaadka caalamiga ah.