4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Itoobiya oo sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu diiday in la dajiyo goob ammaan ah oo loo diyaariyay
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeymo dowladda Soomaaliya ay usoo jeedisay oo ahaa in ay carqalad ku sameysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh xilli uu doonayay inuu ka qeyb galo shirka Midowga Afrika.

War saxaafadeed ay soo saartay Itoobiya ayaa waxay ku adkeysatay inay si wanaagsan u soo dhaweysay  madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa.

Itoobiya ayaa sheegtay inay madaxweynaha iyo waftigiisa ay diideen in la dejiyo goob ammaankeeda loo xilsaaray koox gaar ah.

“Weftiga Soomaaliya waxay diideen shaqaalihii loo xilsaaray amnigooda, waxaa intaa dheer in wafdiga Soomaaliya ay isku dayeen inay dhismaha AUC la galaan hub kaas oo ay xidheen ilaalada AUC. Itoobiya waa ka go’an tahay inay xiriir saaxiibtinimo la yeelato deriskeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya.

Warbixin dheer oo ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku eedeysay Itoobiya inay hab-maamuuska dublamaasiyadda ku xad gudubtay. Dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo wixii dhacay intii uu socday shirkii Addis Ababa.

“Marka la eego in Itoobiya ay martigeliso xarunta Midowga Afrika, hoggaankeeda iyo dawladdeeda waa in ay ula dhaqmaan Afrika oo dhan si siman. Martigelinta Midowga Afrika waxay sharaf iyo karaamo u tahay Itoobiya; si kastaba ha ahaatee, haddii ay dawladdeeda ku guuldareysato in la ilaaliyo sharafta iyo mas'uuliyaddan, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan u tahay Midowga Afrika inay dib u qiimeeyaan goobta xarunteedu tahay."ayay tiri Soomaaliya.