4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 16, 2024
Wasiirka Batroolka oo sheegay in sanadkan Soomaaliya lagasoo saarayo shidaalkii ugu horreeyay
 

Jimco, February, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in markii ugu horraysay sannadkan 2024 Soomaaliya lagasoo saaridoono shidaalkii ugu horreeyay  ee dalka.

Wasiirka Batroolka oo wareysi siinayay idaacadda BBC Somali, ayaa sheegay in shidaalka lagasoo saari doono 7 xirmo oo xeebaha dalka kuyaala, gaar ahaan degaanada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirku wuxuu sheegay haatan inay socoto qiimayntii ugu dambeysay ee sahminta shidaalka dalka lagasoo saarayo. iyo sidoo kale  wacyi galinta goobaha shidaalka laga qadayo.

Wuxuu sheegay saddexda bilood ee sannadkan ugu dambeeysa in ay bilaaban doonto qodista shidaalka. Haatan wuxuu sheegay in lasoo gabagabaynayo qiimaynta ku aaddan saamaynta deegaan ee goobaha shidaalka lagasoo saarayo.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2022 heshiis shidaal baaris ah oo laga sameynayo todobo baloog oo xeebaha ah la saxiixatay shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Coastline Exploration.