4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2024
Wafdi ka socda dowladda Fedaraalka oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Itoobiya
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Wafdigaan uu hoggaaminayo sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad ayaa Xarunta Midowga Africa uga qayb galay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlaayey howlgalka ATMIS.

Shirkaan ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Midowga Africa, waxaana sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku wehlinaayay shirka Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Raysal Wasaaraha Xukuumadda Kamaal Guutaale iyo masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale shirka goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada Dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meel marinta iyo dhamaystirka howlgalka ciidanka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo gebagebayn doono.

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ay haatan ku filan yihiin la wareegida amaanka guud ee dalka.

Wasiir Cali Balcad ayaa uga mahadceliyay dalalka Africa, saaxiibada Soomaaliya  dadaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan oo ay haatan soo gaartay dowladda Soomaaliya oo lagu wado in dhamaadka sanadkaan in ciidanka ATMIS kala wareegto guud ahaan amniga Soomaaliya.