4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo u tagay dhameystirka xureynta deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah waxa ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Jubbaland iyo dadweyne kale.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagay xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu la xariiro dhameystirka howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaaddaha nololeed ee reer Jubbaland, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay in kulamo la qaadan doonaan mudada ay ku sugan yihiin Kismaayo madaxda maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarkaan uu maanta ku tagay Kismaayo madaxweynaha dowladda fedaraalka ee la xariira dhameystirka iyo xureynta deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid dardartii ay ku socdeen dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.