4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya hoobiyaal lagu weeraray degmada Ceeldheer
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay tiro hoobiyaal ah lagu garaacay degmadaas.

Qof ka mid ah dadka ku nool degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee Xalay mar qura ku tooseen jugta hoobiyaasha oo la sheegay iney Al-shabaab ku weerareen degmada Ceeldheer.

"Jugta madaafiicda ayaa ku toosay tiro ilaa ka shan ah ayay gaarayeen hoobiyaasha oo ku dhacay intooda badan bannaanka hore ee Saldhigyada Ciidamada, weli ma maqlin  khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas" ayuu yiri qof ka mid dadka degmadaas.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmadaas iney dhankooda ka jawaab celiyeen weerarka hoobiyaasha ah ee Al-shabaab ku qaaday Ceeldheer.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladu ay saakay tahay mid degan, islamar ahaantana ay dadku hadal hayaan madaafiicda Xalay saqdii dhexe hurdada u diiday, walow la sheegay ineysan khasaaro geysan oo meelo banaan ah ku dhaceen.

Sadax maalin ka hor ayay aheyd markii hoobiyaal sidaan oo kale kooxda Alshabaab ugu weerartay deegaanka Camaara ay ku dhinteen lamaane is qabay oo uu ku habsaday mid ka mid ah hoobiyaasha iyo haweeney kale.