4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maamulka hawada ay iyadu si buuxda gacanta ugu hayso
 

Arbaco, February, 14, 2024 (HOL) - Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya aysan waxba iska bedelin, isla markaana dowladda Federaalka ay tahay maamulka kaliya ee fasaxa duulimaadyada.

Hay’adda duulistu Diyaaradaha waxay sheegtay inay hawada Soomaaliya kamid tahay adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo ay sheegtay inay keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

Warkan kasoo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa yimid, xilli maamulka Somaliland uu sheegay inay soo ceshatay maamulka hawadeeda, si aanay dowladda federaalka u carqaladayn duulimaadyada caalamiga ah ee ka dega magaalada Hargeysa.

Dhowr jeer oo hore hay’adda socdaalka ayaa celisay duulimaadyo aan fasax ka haysan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay jebiyeen xeerka caalamiga ah  u hoggaanaanta awaamiirta hawada ee ay dowladuhu bixiyaan.

Tan iyo markii Somaliland ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Ethiopia, dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula socotay duulimaaadyada ka yimaada Ethiopia iyo Taiwan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyahay arrimo kasoo horjeeda madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.