4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Qaarkamid xildhibaanada gobolada galbeedka Somaliland oo ka horyimid heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaannada kasoojeeda gobolada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal, ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay sharci daro.

Xildhibaanada oo iskugu jira golayaasha guurtida iyo wakiilada, ayaa diiday heshiiska, iyaga oo shaki kamuujiyay sida uu u dhacay.

"Waxaanu kasoo horjeedka heshiiskan, iyo heshiiskasta oo ka dheegma, waxaanu u aragnaa is afgaradkaasi in aanu ahayn sharci oo uu kasoo horjeedo danta shacabka iyo diintooda" Xildhibaan Cumar Nuur oo ku hadlay afka xuldhibaanada ayaa sida yidhi.

Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in hadalo is khilaafsan oo madmadow iyo hubanti la'aan abuurayaa ay kasoo kala baxayaan Itoobiya iyo Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay sheegtay in ay helayso marin badeed oo ay iyadu leedahay.

Sidookale, waxa ay sheegeen in xukuumada Madaxweyne Biixi anay wax tashi ah kala yeelan isfahamka Itoobiya xildhibaanada iyo bulshada gobolada galbeedka, isla markaana anay jirin xog sugan oo ay xukuumadu shacabka siisay.

Ugu danbayn, waxa ay sheegeen in heshiiskani uu yahay mid sir ah oo khatar ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Somaliland.