4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Labada aqal ee baarlamaanka oo ka doodaya wax ka beddelka qodobada dastuurka
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa ka doodaya wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah qodobada ugu horeeya ee Dastuurka KMG ah.

Dooddan oo socon doonta 14-ka Feberaayo ilaa 19-ka bishan ayaa ah tii ugu horeysay ee loo qaado dhameystirka dastuurka tan iyo sannadkii 1960kii

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka.

Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1-aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu socon doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4-aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Ka dooddista wax ka beddelka dastuurka ayaa imaanaya xilli uu khilaaf ka taagan yahay, islamarkaana uu baarlamaanka horey ugu kala qeybsanaa wax ka beddelka dastuurka. Sidoo kale maamulka Puntland iyo madaxdii hore ee dalka ayaa kasoo horjeestay in dastuurka wax laga beddelo, iyagoo ka digay in la meel mariyo heshiiska siyaasadeed ee xukuumadda Soomaaliya ay baarlamaanka u gudbisay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horey u sheegay in wax ka beddelka dastuurka uusan hadal ka furnayn, isagoo sheegay dhaqan galka wax ka beddelka kaste oo lagu sameeyo dastuurka inuu dhaqan galin doono dowladda soo socota.