4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Abiyi Axmed oo maanta xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Godey
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Godey si uu xariga uga jaro Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey, oo qaybo cusub lagu daray isla markaana dib u habayn casri ah lagu sameeyay.

Xarig jarka Garoonkan diyaaradaha waxaa Abiyi Axmed ku wehelinayay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, iyadoo xafladda xarig jarka garoonkan ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah masuuliyiinta degaanka Soomaalida, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Godey.

Haddaba Garoonkan diyaaradaha oo qaab casri ah loo dhisay ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 800 oo Milyan oo Birr, iyadoo dib u habayntiisuna ay socotay muddo 3 sano ah, waxaana la sheegay inuu garoonkani qaadayo ama halmar kusoo degi karaan 4 diyaaradaha waawayn ee nooca Boeing 737.

Garoonkan diyaaradaha ayaa horey u ahaa mid aan sidaa usii wanaagsanayn oo dayac badan ka muuqdo, iyadoo dadkuna ay aad ula dhibaataysnaayeen adeeg badana aan bixin, balse hadda oo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay garoonkan isla markaana qaybo cusub oo hor leh lagu soo kordhiyay ayaa la sheegay inuu wax badan garoonkani ka baddalayo bilicdii magaalada Godey oo ah magaalo madaxda labaad ee degaanka Soomaalida.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay garoonkan diyaaradaha ee maanta xariga laga jaray, iyagoo dhinaca kale Xukuumadda ka codsaday inay dayactir ku sameyso garoomada kale sida ka Qabridahare oo muddo dheer aan shaqaynayn.

Garoonkan xariga laga jaray ee magaalada Godey ayaa maantaba shaqada dib u billaabay, isagoo hadda kaddib lamid noqon doono garoonkani garoomada kale ee caalamiga ah ee kuyaala magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya.