4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Xulka Qaranka Ivory Coast oo ku guuleystay koobkii Qaramada Afrika
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa Xalay ku guuleystay koobka kubadda Cagta Qaramada Afrika oo ay marti galineysay.

Guusha Ivory Coasta ayaa timid kadib markii 2-1 uga badiyeen dhigooda xulka kubadda Cagta qaranka Nigeria ciyaar aad u xiiso badneyd oo ku dhexmartay garoonka Al-Xasan Wattara ee magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.

Xulka qaranka Nigeria ayaa goolka koowaad la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxaana madax ugu dhaliyay goolka William Troost-Ekong, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubad uu u soo karoosay Samuel Chukwueze.

Xulka Ivory Coasta ayaa qeybtii dambe ciyaarta la yimid goolasha barbar dhaca iyo badiskaba, waxaana goolka guusha Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhamaadkeeda ka dhineyd 9 daqiiqo oo kaliya, taasi ayaan u suurta galisay Ivory Coast iney ku guuleystaan markii sadaxaad koobka Qaramada Africa.

Dalka Ivory Coast ayaa noqday Xalay dalki ugu horeeyay 18 sano kadib isagoo martigelinaya qaada koobka Qaramada Afrika, tan iyo sanadki 2006-dii, xiligaas oo ay Xulka Masar oo martigelisay koobka ku guuleysateen.