4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Duqeyn lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Jubbada Hoose
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano dhaca jiinka Wabiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaaniib ah.

Qoraalka kasoo baxay dowladda laguma sheegin magacyada horjoogayaasha ajaaniibta ah ee lagu dilay duqeynta laga fuliyay deegaanada hoostaga degmada Jamaame.

Ciidamada dowladda oo taageera dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ayaa duqeymo noocaan oo kale ah ka geysta inta badan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.