4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Somaliland oo sharci jabin ku tilmaantay diidmada dowlada Soomaaliya ee isfahamka Somaliland iyo Itoobiya
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in diidmada dowlada Soomaaliya ee heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya ay tahay sharciga caalamiga ah oo la jabiyay, sida lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland.

"Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya waxa uu salka ku hayaa is-ixtiraam, iyo himilo wadajir ah oo ku aaddan xasilloonida gobolka, dhawaqa hal geesoodka ah ee Soomaaliya ee ah in  heshiisku uu yahay sharci darro, waxay si badheedha ah u jebinaysa shuruucda caalamiga ah, waxayna muujinaysaa sida ay u xaqirayaan aayo ka tashiga shacabka Somaliland" ayaa qoraalka lagu yidhi.

Qoraalka waxa lagu sheegay in heshiiska is afgaradka ahi, uu kor u qaadayo madaxbannaanida dhuleed ee dhinacyada wadagalay, isla markaana uu dhiirigalinayo wada noolaansho nabadeed, iyo iskaashiga gobolka.

"Waxa aanu ugu baaqaynaa Soomaaliya in ay ka tanaasusho hadal-haynteeda duugowday oo ay ixtiraamto rabitaanka iyo rajada mustaqbalka ee malaayiin reer Somaliland ah" ayaa qoraalka lagu yidhi.

Waxa lagu sheegay in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan, oo leh dastuur u gaar ah, oo ay muwaadiniintiisu si sax ah u ansixiyeen 1997 iyo xukuumad sharci ah oo shacabku soo doorteen, taasi oo awood buuxda u leh inay heshiis ama heshiisyo la gasho dawlad ama hay’ad kasta oo kale oo diyaar ah, kadibna la marin doono golaha waliilada.

Ugu dambayntii, waxa lagu yidhi Somaliland waxa ay mar kale caddaynaysaa sida ay uga go’an tahay in ay si nabadgelyo ah u raadiso madaxbannaanideeda iyo raadinta aqoonsi caalami ah.