4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2024
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo qarka u saaran iney xiraan goobahooda ganacsiga
 

Axad, February, 11, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho oo maanta shir jaraa'id warbaahinta u qabtay ayaa sheegeen iney qarka u saaran yihiin iney xiraan goobahooda ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatadaan ayaa sheegeen iney maaro u la yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa maamulka gobolka Banaadir oo doonaya lacago ka dheeraad ah tan canshuurta.

"Waxaa naga soo dhaw inaan gabi ahaan iska xirno xarumaheena ganacsiga, sababto ah waxaan maalin walba ina dhibaya ciidan na weydinaya lacago aan sharci aheyn, anago dhiibnay Canshuurtii caadiga aheyd ayaa marka hadii arintaasi sii socoto waxaan albaabada u laabi doona goobaheena ganacsiga" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ganacsatada Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ay ka cawdaan lacago ay sheegaan iney ka baxsan tahay canshuurta.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan cabashadaan kasoo yeertay ganacsatada suuqa bakaaraha ee la xariirto iney qarka u saaran yihiin in albaabada isugu dhuftaan ganacsiyadooda.