4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2024
Saraakiil katirsan ciidamada Imaaraatka oo lagu dilay toogasho ka dhacday xerada tababarka ciidanka ee Gen. Gordon
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Toogasho ayaa ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 kamid ah saarakiil kasoo jeeda Imaaraatka Carabta.

Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababarayaasha xerada ciidanka Gordon, kaddib markii askari hubaysan oo kamid ahaa ilaalada xarunta uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiishaan

Askariga ayaa kamid ahaa Ciidamada amniga Xerada gacanta ku haya, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.

Tirada dhaawaca ayaa kor u dhaafeysa 10 askari, waxaana ku jira Col. Maxamed Mubaarak oo ah sarkaalka ugu sarreeya Saraakiisha Imaaraadka ee ka howlgalayay xerada Jeneral Gordon.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in falkaasi iyagu ka dambeeyeen.

Wixii faahfaahin oo kusoo kordha kula socda wararkeenna xiga.