4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Ku dhawaad 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Jubbada Hoose
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay 27 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dhaawacay ilaa 36 xubnood oo kale oo ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Xubnaha Al-shabaab ee howlgalkaan lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah hoggaamiyahii kooxda gobolada Jubbooyinka u qaabilsana oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Yare.

“Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran, waxaana howgal laga fuliyay Yaaqdabeyl lagu dilay 27 xubnood oo uu ku jiro horjoogahii kooxda ee Jubbooyinka” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg oo sheegay in ciidanka ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.