4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Xisbiga Kulmiye oo soo dhaweeyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo badiba ay garabtaagnaayeen saraakiisha sar sare ee xisbiga, ayaa sheegay in heshiiska ay ku qorantahay in Itoobiya ay Somaliland aqoonsato.

"Heshiiskii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay Addis Ababa ku yeesheen ee sheegayay in badda laga siiyo meel la dhigo maraakiibta Itoobiya oo kiro ah, qodobka labaad wuxuu odhanaya in Itoobiya qaranimada Somaliland ay aqoonsato oo isku mar laga dhigo" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay soo dhawaynayaan aqoonsiga ay Itoobiya siinayso Somaliland, isla markaana uu wax wayn ka tarayo madaxbannaanida Somaliland kadib marka Itoobiya ay aqoonsato "Waxaanu halkan kusoo saarnay in si buuxda Kulmiye u taageersanyahay heshiiska".

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay markii hore heshiiska diiday lakiin markii danbe ay sheegtay in ay rabto uun in Itoobiya ay heshiiska la gasho dowlada Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay caddaysay in ay diyaar u tahay in ay Itoobiya dhul siiso, lakiin waxa dhibayaa waxa weeyaan in Somaliland la aqoonsado" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa halkii ugu xumayd gaadhsiiyay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Soomaaliya ay ku tilmaantay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay.