4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Galgaduud
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka lagu soo qabtay horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Mowliid Cali Dhuxulow ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Masagawaa iyo Waniinle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

"Horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka heleen xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaaminaayay koox naflacaari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Horjooge Mowliid Cali Dhuxuloow ayaa sidoo la sheegay inuu ahaa Horjooge mudo dheer ka tirsana kooxda Jabhadaha Shabaab ee ka dagaalanta deegaanada gobolka Galgaduud.

Deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa mudo sanad ka badan ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana mudada uu dagaalkaasi socda Shabaab looga xureeyay dhul baaxad leh oo ka tirsan labadaas gobol oo ay horay u maamuli jirtay kooxda.