4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Soomaaliyeed kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan gaar ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

Kulankaan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Culimada Soomaaliyeed oo uu ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa looga hadlay qodobo kala ah la dagaalanka kooxda Al-shabaab, Xoojinta Midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalka.

War qoraal ah oo laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo Culimada Soomaaliyeed ay isla meel in laga wada shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa wax walba oo caqabad ku ah dalka oo keeni kara dib dhac.

"Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka haatan ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iney laf dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo uu tilmaamay iney yihiin dhaxal dhowreyaasha diinteenna suubban.

Culimada Soomaaliyeed ayaa dhankooda la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya talooyin ku aadan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, iyagoona sidoo kale sheegay iney dowladda Fedaraalka ku garab taagan yihiin dadaalada kala duwan oo ay ku howlan tahay.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan kulamo sidaan oo kale muhiim u ah kula yeeshay aqalka madaxtooyada Culimaa'udiinka Soomaaliyeed.