5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2024
Faahfaahin 6 kamid ah shaqaalaha Hormuud oo lagu dilay qarax lagula eegtay Garasbaalley

Axad, April, 28, 2024 (HOL) - Lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud  ayaa ku geeriyooday qarax galabta lagula eegtay iyagoo la socday gaari marayay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falkaan, iyadoo ku eedeysay kooxda Alshabaab inay ka dambeeyaan qaraxaan.

Dowladdu waxay sheegtay in si kutalagal ah loo beegsaday shaqaalaha shirkadda Hormuud, uuna falkaan qeyb ka yahay beegsiga lagu hayo shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa falkaan ay ku geeriyoodeen qaar kamid ah shaqaalaheeda ku tilmaamtay beegsi ka dhan ah shirkadda iyo shaqaalaheeda.

Shirkada Hormuud waxay sheegtay in horey qaraxyo loogu beegsaday qaar kamid ah xarumaheeda ay ku leedahay magaalada Muqdisho, iyo meelo kale oo ka baxsan.

Waxay shirkadda soo bandhigtay magacyada lixda qof ee qaraxaas ku geeriyooday, kuwaas oo eheladooda uga tacsiyeeysay geeridooda.

Illaa iyo hadda shirkadda hormuud ma ogaan cidda beegsiga ku haysa xarumaheeda iyo shaqaalaheeda, waxayna dowladda uga baaqday in baaritaan la sameeeyo, si loo ogaado sababta iyo cidda beegsiga ku haysa shirkadda.