5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar Al-shabaab ku qaaday deegaanka Xawaadleey
 

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxda Al-shabaab ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarka oo ahaa mid aad u xoogan oo ku bilaawday qaraxyo miino ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Cali Cabdulaahi Cali ayaa isagoo ku sugan deegaanka Xawaadley warbaahinta u sheegay iney ka hortageen weerarka kooxdu kusoo qaaday Xawaadleey, islamarkaana ciidanka ay kusii daba maqan yihiin firxadka kooxdii weerarka soo qaaday.

Wali si rasmi ah ah looma oga khasaaraha ka dashay weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaala deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada dhexe, waxaase ilo deegaanka ah ay sheegayaan inuu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac.

Weerarkaan kooxda Shabaab ay ku qaaday Xawaadleey ayaa noqonya kii sadaxaad oo ay ku doonaayaan iney dib ula wareegaan kooxda deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada muhiimka u ahaa Al-shabaab.