5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2024
Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
 

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Kulanka ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga wada arinsadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka wadashaqeynta ee ka dhaxeeya laba dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

"Kulanka waxuu kusoo dhamaaday guul oo waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada ku aadan howlgalada dalka looga ciribtiraayo Shabaab oo wajigii sadaxaad loo diyaar garoobayo" ayuu yiri Wasiir ku xigeynka Difaaca Soomaaliya Cabdifatax Qaasim.

Saraakiisha sar sare ee ka socotay Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa balan qaaday iney sii laba laabayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhinacyada horumarinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.