5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2024
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo shaqada ka tagaysa

 

Isniin, April, 22, 2024 (HOL) - Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaqada ka tagaysa bisha May 21, 2024, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Haweenaydan ayaa muddo sanad ah xafiiska joogta, waxaana 2023 magacaabay Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres.

"Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guulaysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo Soomaalida oo ku socota waddada nabadda iyo xasilloonida," ayay tiri Catriona Laing.

Catriona Laing ayaa mudadii ay ahayd Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa ay ahayd mid ka gaaban ergadii ka horraysay iyada, kuwaas oo qaarkood xilka hayay ilaa saddex sano.

Sababaha ay shaqada uga tagayso wali ma cadda.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Laing ay booqatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay kula kulantay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Intii kulanka uu socday waxay walaac muujisay geeddi-socodka dastuurka.

Tegitaanka Laing ayaa kusoo beegmaysa iyadoo isbedel lagu sameeyay dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo Soomaaliya. Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa ku guda jira sidii ay si tartiib tartiib ah uga bixi lahaayeen Soomaaliya.