5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dil shirqool ahaa oo ka dhacay Muqdisho
 

Isniin, April, 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay loogu geystay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa qoyskiisa waxay sheegeen in loo dilay qaab shirqool ah oo uu ka dambeeyay wiil kale oo ay sheegeen iney horay saaxiibo u ahaan jireen, hayeshee waayihii dambe uu ka dhaxeeyay dagaal.

"Wiilkeyga meydkiisa waxaa la isoo sheegay Xalay labadii saac isagoo yaalo xaafada Albiri isaga iyo wiil kale oo ay xaafada iska raaceen oo ay horay u dagaalsanayeen, wiilka kalana dhaawicisii goobta laga qaaday, dilka wiilkeygana wuxu ahaa shirqool uu ka dambeeyay ninkaas" ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka la dilay.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ka dalbaday inuu cadaalad u helo dilka shirqoolka ah ee loo geystay wiilkiisa.

Hadalkaan kasoo yeeray qoyska wiilka dhintay ayaa kusoo aadaya, iyadoo markii hore warar soo baxay ay sheegayeen in dilka iyo dhaawaca labada wiil ay geysteen koox ciyaal weero ah, waxaana taasi ka biyo diidan qoyska wiilka dhintay oo aaminsan in shirqool lagu dilay wiilkooda.

Wararka waxay intaas ku darayaan in wiilka dhaawaca ahaa ee la sheegay inuu ka dambeeyo shirqoolka in ciidanka Nabadsugida ka wateen wiilka dhaawaca ahaa Isbitaalka Albiri, si ay su'aalo uga weydiiyaan qaabka uu falka u dhacay.

Dilkaan shirqoolka lala xariirinaayo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gudaha dalka ay kusoo badanayeen dilal naxdin badan.