5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2024
Uganda oo sheegtay inay ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya howlgalka ATMIS kadib
 

Isniin, April, 22, 2024 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howlgalka ATMIS ka dib.

"Uganda waxay halkan ku sugnaan doontaa qaab kasta oo ay tahay," sidaas ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in Golaha Ammaanka ay weydiisteen inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aqbaleen.

Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.

Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u sheegay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dhacdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalabkooda.