5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
Maxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday koox dhac ka geysatay Muqdisho
 

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku riday koox ka kooban afar ruux oo ay ku jirto qof dumar ah.

Afartaan ruux oo kala ah Kormeere labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey iney ku kaceen fal burcadnimo hubeysan iyo isticmaalka Qamriga.

Eedeysanayaashaan xukunada kala duwan ay ku riday Maxkamadda ayaa la sheegay iney isticmaali jireen gaari ay dhac ku geysan jireen, waxaana la xaqiijiyay iney dhac u geysteen dad gaaraya afar iyo toban ruux oo shacab ah.

Haweeneyda sadaxda nin kala shaqeyneysay falalka burcadninada Nimco Maxamuud ayaa kooxdaan u qaabilsaneyd qarinta agabyada ay soo dhacaan, waxaana la tilmaamay in gaariga kooxda ka saarnan jirtay qeybta hore, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysanayaasha ayaa dhaca uga geystay  gaariga ay wataan degmooyin kala duwan oo ku yaala Muqdisho, waxaana ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen bishii sideedaad ee sanadkii lasoo dhaafay, iyagoo gaariga ku cilad baxsanaya garaash ku yaala degmada Hodan.

Dhageysiga kiiska kooxda oo la tilmaamay in Maxkamadda waqti ku filan ay siisay ayaa waxay ku xukuntay sadaxda eedeysane ee kala Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed mid sideed sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.