5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
Raysal wasaare Xamse oo Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalalka Bariga Afrika

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay dalalka bariga Afrika ee ku mideysan Ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta in Soomaaliya ay ka mid noqoto Ururkaan.

Xamse Cabdi Barre ayaa kulanka kusoo bandhigay muhiimada ay leedahay in deg deg loo dhamaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika.

"Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida” ayuu  yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale kulanka kusoo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya.

"Maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal abuur wax badan ayaa laga dhexli doona xubinimada Soomaaliya" ayuu yiti Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.