5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
Maxkamadda Racfaanka oo shaacisay waqtiga uu bilaabanayo dhageysiga dacwada Sayid cali Macalin Daa'uud
 

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa shaacisay in maanta oo Axad ah ay bilaabaneyso dhageysiga dacwada loo haysto Sayid cali Macalin Daa'uud oo horay Maxkamadda gobolka Banaadir ugu xukuntay dil toogasho ah.

Eedeysanahaan ayaa Maxkamaddu ku heshay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ku amartay Taliyaha Booliska degmada Xamarweyne in maanta oo Axad ah inuu horkeeno Maxkamadda eedeysane Sayid cali, kadib dhageysiga dacwadana uu dib ugu celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa lagu sheegay iney furmi doonto Maxkamadda 9:00AM, waxaana sidoo kale la faray dhinacyada dacwada dhageysanaya in isla waqtigaas ay soo xaadiraan Maxkamadda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wali il gaar ah ku haaya kiiska eedeysane Sayid cali Macalin Daa'uud, islamarkaana isha ku hayaan go'aanka kasoo bixi doona Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in kiiska Sayid cali Macalin Daa'uud uu noqday kiiskii ugu adkaa ee Maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeeno.