5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2024
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqday xiliga la qabanayo doorashada madaxtooyada
 

Sabti, April, 20, 2024 (HOL) - Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddida ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay guddidu go'aamisay in doorashooyinka la qabto.

"Koomiishanku wuxuu go'aansaday in doorashada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo doorashada axsaabta qaranba la wada qabto 13 November 2024" ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Waxa uu sheegay in doorashada madaxtooyada ay ku tartami doonaan kali ah saddexdii xisbi ee hore u jiray "In doorashada madaxwaynaha iyo madaxweyne ku xigeenka kali ah ay ku tartamaan musharixiinta xisbiga UCID, Kulmiye iyo Waddani".

Waxa uu sheegay in doorashada axsaabta siyaasada ay ku tartami doonaan saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani iyo 10 ka urur siyaasadeed ee cusub.

Waxa uu inta ku daray in Sabtida maanta ah uu koomiishanka doorashooyinku madaxweynaha u gudiyay warqada cayimaada xiliga ay doorashooyinku dhacayaan si madaxweynuhu uu si rasmi ah ugu dhawaaqo.