4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Banaanbax balaaran oo lagu wado inuu goordhaw ka bilaawdo magaalada Muqdisho
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax balaaran oo ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ka dhacaya garoonka kubadda Cagta Injineer Yariisow.

Banaanbaxaan oo ah mid lagu taageerayo guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Dibadbaxaan oo lagu wado in saacado kadib uu bilawdo ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee qabsoomidiisa waxaa si weyn looga dareemaya gudaha magaalada Muqdisho, waxaana haatan la xiray qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Inta badan masuuliyiinta dowladda iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa iney ka qeyb geli doonaan banaanbaxa balaaran ee Maanta dhacaya, islamarkaana lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu horay ugu dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.