4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka

Isniin, Maarso, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray Ciidamo katirsan kuwa qalabka sida ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay qarashka lagu tababaray ciidamadan sida uu madaxweyne Xasan Sheikh ku sheegay khudbadiisa xiritaanka tababarka, isagoo uga mahad celiyay taageeradan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Saraakiisha ciidamada la tababaray ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.