4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Puntland: Tirada dagaalyahannada Itoobiya ee katirsan Daacish oo la rumeysan yahay inay aad u korortay

Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Buuraleyda fogfog ee Puntland, waxaa todobaadkan ku dagaalamay Al-Shabaab iyo Daacish, dagaaladii ugu dambeeyay ayaa u dhaxeeyay dhinacyada isku haya gacan ku heynta iyo saameynta buuraleyda Cal-Miskaad tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018-kii.

Khubarada amniga ayaa sheegay in ciidamada ISIS ee Soomaaliya jooga oo ka tiro yar Al-Shabaab ay weli halis weyn ku yihiin Soomaaliya.

Axmed Maxamuud Yuusuf oo ah guddoomiyaha degmada Balidhidhin ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in dagaalyahannada ISIS ay sannadihii u dambeeyay qoranayeen dagaalyahanno Itoobiyaan ah.

Daacish oo gobolka Bari farriisin ka sameysatay sanadadii 2015 iyo 2016, ayaa hadda tiradooda lagu qiyaasayaa in ka badan 300 oo dagaalame ay ku jiraan Itoobiyaan, sida ay sheegeen khubarada gobolka.

Tirada dagaalyahannada Itoobiya ee katirsan Daacish ayaa la rumeysan yahay inay aad u badan tahay. IS ayaa horay u soo bandhigtay muuqaal muujinaya Itoobiyaan badan oo katirsan kooxda.

Sanadkii hore, Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 7 Itoobiyaan ah oo lagu helay inay katirsanaayeen Daacish.

"ISIS waxay mar walba beegsataa Itoobiya iyo dawladaha kale ee Afrikaanka ah si ay u askareeyaan, xaddidaadda ugu weyni waa in joogitaankooda ay ku kooban tahay degmo ku taal bariga Boosaaso,," ayuu yiri Matt Bryden. Falanqeeyaha gobolka Geeska Afrika.