4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Puntland oo sheegtay in si kaligeed ah hadda kadib dowladda federalka ugala xaajoonto arrimaha dastuurka iyo awood qeybsiga
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Puntland ayaa ku dhawaaqay inay hadda kaddib si kaligeed ah dowladda federalka ugala xaajoondoonta heshiisyada la xiriira arrimaha dastuurka iyo awood qeybsiga.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in Puntland inta laga gaarayo dhameystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ay u dhaqmi karto sidii dowlad madax bannaan.

Puntland waxay si cad u sheegtay inay hay’adaha dowladda federalka hadda kaddib ka wada shaqeynayaan kaliya mashaariicda horumarineed iyo kuwa biniaadantinimada, inta laga dhameystirayo dastuurka dalka.

Waxay Puntland sheegtay in hagardaamo lagu wado geeddi socodka dhameystirka dowlad dhiska, islamarkaana aanan la ixtiraamayn qawaaniinta lagu heshiiyay.