4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay 61 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxamaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo uu sheegay in lagu dilay 61 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay beero ku yaala duuleedka deegaanka Xawaadley iney fuliyeen ciidanka Nabadsugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, wuxuuna xusay im howlgalka lagu beegsaday 150 xubnood oo ka mid ah Ururka Shabaab oo doonayay in ay weeraraan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Saldhiga Xawaadley.

"Ciidanka Nabadsugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay beero kuyaala duuleedka deegaanka Xawaadley oo ay dhagar ku maleegayeen cadawga Khawaariijta ah, ciidanka oo xogta helay ayaa cagta mariyay kooxdii Khawarijta ee halka isku aruursaneysay 61 xubnood ayaa laga dilay waxaana jiro dhaawacyo farabadan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay howlgalkooda ku burburiyeen gaadiid qaraxyo waa weyn ay ka buuxaan oo ay kooxda ku diyaarineysay beeraha dhexdooda.

"Howlgalka ciidamada waxaa lagu burburiyay labo gaari oo ahaa nuucooda Homey iyo Noha ah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka, waxaana arintaasi dowladda kala qeyb qaatay shacabka mujaahidiinta ah ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda" ayuu yiri wasiir Alcadaala.