4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Wasiiradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u  leh Horumarinta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka canshuuraha,  dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.