4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Jigjiga : Rasaas kooban oo maanta ka dhacday gudaha Xarun Bangi oo ku taal magaalada Jigjiga
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayay gudaha Bangiga ganacsiga ee Itoobiya laantiisa Jigjiga oo ku taal badhtamaha magaalada Jigjiga.

Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen Warbaahinta rasaasta ayaa ka billaabantay kaddib markii ay isku dhaceen gabadh bangiga usoo adeeg doonatay iyo mid kamid ah shaqaalaha Bangiga, gabadha ayaa lacag haye ka ahayd mid kamid ah Xafiisyada heer degaan.

Gabadha ayaa siday wararku sheegayaan ka dalbatay mid kamid ah shaqaalaha bangiga inuu ka badalo lacag googo'nayd oo markii horeba isagu siiyay, kaddib waxaa gabadhii u gacan qaaday ninkii kamid ahaa shaqaalaha bangiga ee ay waydiisatay inuu lacagta ka baddalo.

Buuq ka dhashay halkaa ayaa sababay in ilaalada bangiga ay gudaha u galaan bangiga kaddibna ay rasaas kor u ridaan, wararka qaar ayaa sheegaya in gabadhu markuu ninku u gacan qaaday ay ka dhinac dagaallameen wiilal dhalinyaro ah oo iyaguna wakhtigaa ku sugnaa gudaha bangiga.

Intaa kaddib laamaha amniga ee magaalada Jigjiga ayaa bangiga soo gaaray, waxayna goobtaas ka kaxeeyeen ninkii gabadha u gacan qaaday oo kamid ahaa shaqaalaha bangiga iyo gabadhii loo gacan qaadayba, sida ay Warbaahinta la wadaageen dad goobjoogayaal ahaa oo ka ag dhawaa bangiga.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca laamaha amniga oo ku saabsan dhacdadan, inkastoo wali dadka degaanku ay ka war sugayaan dhinaca laamaha amniga iyo siday uga jawaabto arrintan.