4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2023
Ciraaq oo sheegtay in ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka cafiso deymaha lagu leeyahay
 

Isniin, January, 9, 2023 (HOL) - Dowladda Ciraaq ayaa miiska saartay go’aan ay Soomaaliya kaga cafineyso deymaha lagu leeyahay Baqdaad, sida uu xaqiijiyay agaasimaha Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta Zayd Saban.

Saban ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka heshay dowladda Ciraaq qoraal rasmi ah oo ay ku ogeysiineyso Jaamacadda Carabta in ay baabi’in doonto qeyb ka mid ah deymaha Soomaaliya ku leedahay Ciraaq.

Mas’uulkan Carabta ka tirsan ayaa u sheegay MENA in go’aannada kasoo baxay shirar-madaxeedka Carabta oo xiriir ah ay ku booriyeen dalalka Carabta inay mudnaan siiyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Marka loo eego tirokoobyada Soomaaliya, wadarta guud ee deymaha Soomaaliya lagu leeyahay Ciraaq waxay ahayd ku dhawaad 187 milyan oo dollarka Mareykanka ah, ilaa December 2019.

Wuxuu bogaadiyay dadaallada ay dalalka Carabta ku taageerayaan Soomaaliya, isagoo muujiyay dadaallada Masar ay ku taageereyso dowladda Carabta Afrika.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday heshiiskii Masar iyo Soomaaliya ee ahaa in laanta bankiga Misr laga furo Soomaaliya si loo fududeeyo iskaashiga maaliyadeed ee labada dhinac.