4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 8 , 2023
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka horyimid xilka qaadis iyo magacaabis uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle
 

Axad, January, 8, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka horyimid xilka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Guddoomiye Jeyte ayaa si cad uga soo horjeestay magacaabista guddoomiyaha cusub ee degmada Halgan, isagoona sheegay inuu masuul ka yahay deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, islamarkaana magacaabista uu sameeyay wasiir Cabdi Daahir Guure aysan ku imaan soo jeedintiisa.

"Waxaan beeninayaa inaan waxbo kala socon sidoo kalane aan soo-jeedin ka sameeyn Xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyey wasiirka arimaha gudaha Hirshabelle mudane Cabdi daahir guure (karoore) ee maamulka Degmada Halgan ee Gobalka Hiiraan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Jeyte.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale lagu sheegay in deegaanada gobolka Hiiraan ay dagaalo ka socdaan oo aysan jirin fikir ah in lagu mashquulo magacaabis iyo xilka qaadis.

"Dadka iyo Deegaanka reer hiiraan waxeey dagaal kula jiraan kooxda khawariijta Al-shabaab ma jirto Fikir aan ugu mashquuli karno wax badalid iyo magacaabis , ayadoo dowladnimada aay tahay is Badalid hadana maha mid wax ka ogahay ka Maamul ahaan" ayaa lagu warka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Jeyte.