4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdi Fataax Qaasim ”Al-shabaab wadahadal ayey soo codsadeen”
 

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa shaaciyay in Ururka Al-shabaab ay soo codsadeen wadahadal, isagoona xusay in haatan awoodooda kusoo aruurtay beegsiga dadka shacabka ah iyo weeraro gaadma ah.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay fulinta amarkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa ciribyirka kooxda Al-shabaab, isagoona tilmaamay in haatan ay kooxdu bilaawday dalabyo la xariira wadahal.

“Al-Shabaab ayaa soo codsaday wadahadal, Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, kuwana waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wadahadal ah majiro ee waa in dalka iskaga tagaan, Kuwa dalka u dhashay xili kasta haddii ay isa soo dhiibaan diyaar ayaa loo yahay, laakiin wax lagula gorgortamo meesha ma yaalan, waa in ay dowladnimada raacan oo isku soo dhiibaan, oo shacabkooda dib ugu laabtan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Cabdifataax Qaasim.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ayaa imaanaya, iyadoo dagaalo culus oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ay ka socdaan gobolada dalka, kuwaas oo Al-shabaab looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ay horay u maamuli jireen.